WARARKA SOOMAALI

Deg Deg: Jaaliyadda Imaaraadka Oo War Ka Soo Saartay Colaada Koonfurta Sool

Kadib Shir Deg Deg ah oo Jaaliyada Beesha Dhulbahante Isagu Yimaadeen Wadanka Imaaraadka Carabta ayey Baaq Nabadeed u Direen Beelaha Ku Dagaalamaya Deegaano Hoos Yimaada Koonfurta Gobolkaasi Sool Dagaalkaasi oo Maalmahani Halkaasi Ka socday.

Jaaliyada Imaaraadka Carabta ayaana Tacsi u Diray Dhamaan Dadkii Halkaasi Ku Dhintay Waxayna Jaaliyadu Ku Baaqaysaa in Xabada La Joojiyo Loona Baahan Yahay in Colaaadaasi La soo Afjaro.

Jaaliyada  Wadanka Imaaraadka Carab ayaana soo Dhaweeyey Baaqii Ka soo Baxay Isimada iyo Waxgaradka Buuhoodle ee Lagu Taageeray Nabadayta Deegaankaasi Colaadu haatan Ka Bilaabantahay oo Jaaliyadu ay Sheegtay inay Taageersantahay Go,aankaasi Waxgaradka Deeganada Sool Sanaag iyo Cayn.

 

Ugu Danbaytii Jaaliyada Wadanka Imaaraadu Waxay Baaq u Diray Jaaliyada Kale ee Deegaanadaasi inay Ka Qayb Galaan Gurmadka Nabadeed ee Deegaankaasi Laga Wado oo haatan Bulshada Deegaankaasi Ka Qaybnayaa iyo Qaabkii Loo Difaaci Lahaa Dhulka Beeshaasi Sool Sanaag iyo Cayn.

 

Waxaa Na soo gaadhsiiyey

 

Afhayeenka:faarax gaani cabdi geele

Gadoomiyaha Khatumo ee Degannka SSC :Eng axmed cabdalla xaashi

Cali Dhagjar

Horufadhi Team

Email: [email protected]

SOMALI NEWS

To Top