WARARKA SOOMAALI

Deg Deg:-Itoobiya oo laga qaaday Xukunkii Deg dega ahaa ee mudada badan saarnaa iyo Xaaladda Dalkaas-Warbixin

Muqdisho (Horufadhi News)-Golaha Wasiirada dowlada Ethiopia ayaa isku raacay in la qaado xukunka degdegga ah ee la saaray dalkaas bishii Febraayo ee sanadkan.

Kulan uu maanta yeeshay golaha wasiirada dalka Ethiopia ayaa laga sheegay in amarkii iyo kala dambeyntii ay dib u soo laabatay sidaa awgeedna ay haboon tahay in xukunka deg-degga ah la qaado.

Dalka Ethiopia ayaa saddexdii sano ee la soo dhaafay waxaa ka dhacayay banaanbxyo ay dhigayeen labada qowmiyadood ee ugu badan dalkaas ee Oromada iyo Amhara kuwaasoo haatan u muuqda kuwo dhamaaday.

Kumanaan maxaabiis ah oo u xirnaa arrimo siyaasadeed ayaa la sii daayay waxaana la ballanqaaday dib u habeyn kale oo lagu sameeyo siyaasada dalka Ethiopia.

Bandowga ayaa si rasmi ah waxaa loo qaadayaa marka la horgeeyo baarlamaanka kadibna uu ansixiyo.

Arrintan ayaa waxaa ay ku soo beegmeysaa labo bil kahor  xilligii hore  loogu qabtay in xukunka deg-degga ah  uu soconayo.

Tan iyo markii uu noqday ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Ahmed ayaa waxaa soo baxayay isbedelo dhinacyo badan leh.

SOMALI NEWS

To Top