WARARKA SOOMAALI

Deg Deg Daawo:Madaxweynihii Dalka Zimbabwe Robert Mugabe oo Xilkii laga qaaday iyo wararkii Dalkaas-Video

Xubnaha Xisbiga talada haya ZANU-PF ee dalka Zimbabwe ayaa xilkii ka qaaday Robert Mugabe oo muddo 40 sano ku dhow hoggaaminayay xisbigiisa, iyadoo tan ay soo afjareyso xukunkii dheeraa

Xubnaha Xisbiga ayaa isku raacay in Hoggaamiyaha Xisbiga uu yahay Madaxweyne kuxigeenka Zimbabwe Emmerson Mnangagwa, waxaana tani dhabar jab ku tahay Madaxweynaha da’da ah.

Qalalaasaha siyaasadeed ee ka taagan Zimbabwe ayaa ka dambeeyay markii Robert Mugabe uu xilka ka qaaday kuxigeenkiisa, waxaana taas ka soo horjeestay Taliyaha Ciidamada Milateriga, taasoo keentay in Milateriga la wareego talada dalka.

Sidoo kale Xisbiga ayaa xilka ka qaaday Xaaska Madaxweyne Mugabe Grace oo heysay hoggaamiyaha qeybta Haweenka ee Xisbiga ZANU-PF, isla markaana lagala noqday xubinimadii Xisbiga.

Chris Mutsvangwa oo ka tirsan Guddiga Dhexe ee ZANU-PF ayaa sheegay inuu sii dhamaanayo waqtigii wada xaajoodka ee madaxweyne Mugabe, isla markaana ay u wanaagsantahay inuu xilka ka dago inta ay goori goor tahay.

Waddo kale oo xilka looga qaadi karo madaxweyne Mugabe ayaa ah in baarlamaanka uu ku sameeyo shaqo ka joojin. 

Afhayeenka baarlamaanka Zimbabwe, Innocen Gonese ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AP in haddii uusan madaxweyne Mugabe xilka banneyn Talaadada soo socota ay si dhaqso ah u billaabayaan hannaanka ay xilka uga qaadayaan.

Madaxweyne Mugabe ayaa talada dalka Zimbabwe qabtay sanadkii 1980, Ilaa iyo hadda waa madaxweynaha ugu muddada dheer ee Afrika.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

SOMALI NEWS

To Top