Dagaal u dhaxeeya Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Shabaab ayaa saakay ilaa iyo hada waxa uu ka socdaa Degaano ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose.
Dagaalkan ayaa yimid kadib markii Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay weerar iyo Howlgal qorsheysan ku qadeen Degaano ka tirsan Shabeelaha Hoose oo ay ku sugan yihiin Shabaab.
Dagaalka ayaa si gaar ah waxa uu uga socdaa Degaanada Kibili, Buufow, Waagaale, kuwaasi oo dhammaantood hoostaga Degmada Qoryooley iyo Janaale oo ka tirsan Shabeelaha Hoose.
Dadka Degaanka ayaa Risaala u sheegay labada dhinac in ay isku adeegsanayaan Hubka nuucyadiisa kala duwan, waxaana la maqlayaa mararka qaar Hugunka Rasaas culus.
HALKAN RIIX DAAWO VIDEO
Taliyaha Hoggaaminaya Ciidankan Dagaalka kula jira Shabaab Gaashaanle Dhexe Daahir ayaa sheegay Shabaab in ay kala wareegeen Degaano ka tirsan Shabeelaha Hoose.
Gaashaanle Dhexe Daahir Waxa uu sheegay weli Dagaalka in uu socdo, lana doonayo Shabaab in laga saaro Degaano ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose.
Wixii kasoo kordha Horufadhi kala soco