WARARKA SOOMAALI

DEG DEG Daawo:-Xubnaha Baarlamaanka oo gudaha xarunta soo wada gaadhay iyo Jawaari iyo Muudey oo laga cabsi qabo in ay isku Gacan qaadaan-Video

Wararka aan ka heleyno xarunta Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegaya in halkaasi ay wada gaareen Gudoomiyaha Mooshinku ka yaalo ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo labadiisa kuxigeen.

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka ayaa noo sheegay in xarunta Golaha shacabka soo wada gaareen Gudoonka Baarlamaanka, waxaana wali aan furmin kulankii Baarlamaanka Federaalka.

Sida aan Wararka ku heleyno waxaa caqabad ka taagan tahay cida shir gudoomin doonta Kulanka Baarlamaanka maanta leeyihiin oo Gudoonka iska soo horjeeda mid waliba gooni u shaaciyay ajando gooni ah.

Gudoomiye Jawaari iyo Kuxigeenkiisa Muudey ayaa lacaga cabsi qabaa in ay gacanta iskula tagaan iskuna qabsadaan kursiga shir gudoonka, waxaa sidoo kale jirta cabsi laga qabo in gacmaha la iskula tago.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Dhinaca kale Xildhibaanada ayaa safaf dhaadheer wali ugu jira sidii ay u gali lahaayeen xarunta Golaha Shacabka, waxaana la filayaa in saacadaha soo aadan uu furmo kulanka Baarlamaanka ku balan san yihiin.

Waxaa jirta cabsi xoogan oo laga qabo in kulanka Baarlamaanka uu foodo ka dhacdo gacmahana iskula tagaan Xildhibaanada iska soo horjeeda ee maanta ku kulmaya xarunta golaha shacabka.

Ciidamo badan oo isugu jira kuwa dowlada iyo AMISOM ayaa si weyn u xaqiijinaya amaanka xarumta golaha shacabka oo maanta uu ka dhacayo kulan xasaasi ah oon la ogaan karin waxa kasoo bixi doona

 

SOMALI NEWS

To Top