WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Maamulka Somaliland oo sida fiinta uga qayliyey soo wareejinta Hawadda Soomaliya oo maanta Xadhiga si rasmi ah looga jaray-Video

Wasiirka duulista iyo Hawadda Maamulka Somaliland oo maanta shir jaraa,id ku qabtay Hargeysa ayaa si kulul uga hadlay Hawadda Soomaaliya ee Muqdisho laga maamuli doono.

Cabdi Maxamed Rodal oo Maamulka Somaliland wasiirka Duulista iyo hawadda ugu magacaaban ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay Somaliland uga baxday Heshiisyo iyo wada hadal u socday waxaana uu sheegay in iyaga oo aan waxba kala socon maamulkii hawadda la geeyay Muqdisho.

Wuxuu Beesha Caakamka iyo Hay,addaha Qaramadda midoobay ugu baaqay in ay arrinta soo fara galiyaan wuxuuna intaas raaciyey wasiirkan u hadlay maamulka Somaliland in aysan ogalaan doonin in Hawadooda laga maamulo Muqdisho.

Hadalkan kasoo yeedhay maamulka Somaliland ayaa kusoo beegmaya saacado uun kadib markii madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo uu xadhiga ka jaray qalabkii lagu maamuli lahaa hawadda Soomaaliya oo mudo ku siman 27 laga maamuliyey dalka dibadiisa.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

SOMALI NEWS

To Top