WARARKA SOOMAALI

Daawo:Xubnihii Beesha Subeer awal oo kulan ay la qaateen qaar kamid ah odayaasha Laascaanood Toos ugu yidhi Muuse Biixi codka noo siiya-Video

Odayaashii Beesha Subeer awal ee ku sugnaa Laascaanood oo kulan la qaatay qaar kamid ah madax dhaqameedka magaalada Laascaanood ayaa waxaa ay sheegeen in ay doonayaan in Muuse Biixi codka la siiyo iyaga oo u jeedka socdaalkoodana intaas uun ku sheegay.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Odayaasha Beesha Subeer Awal ayaa dhowaan magaalada Burco waxay Heshiis kula soo Galeen Odayaasha iyo Waxgaradka Beesha Habarjeco, Iyagoona Warbaahinta ka sheegay inay isla meel dhigeen inay Codka Siiyaan Muuse Biixi Cabdi oo ah Musharaxa Xisbiga Kulmiye ee Doorashada Somaliland.

Dad badan ayay la yaab ku noqotay Dhacdooyinkan is xigay, Waxaana  Xiliyada Doorashada la Arki Jiray Siyaasiyii iyo Xisbiyo Sameeya Olole Doorasho Balse, Haday waxaynu u Joognaa iyadoo loo samaynayo Qabiil Qabiil.

SOMALI NEWS

To Top