WARARKA SOOMAALI

Daawo:Xildhibaanadda Maamulka Galmudug oo maanta Gacan ka hadal xoogan dhexmaray iyo Xildhiban ilkaha laga Qubay iyo wixii dhacay-Video

Kulankan Baarlamaanka Galmudug ayaa maanta looga  hadlayay xiliga ay Qabsoomeyso doorashada madaxweynaha maamulka Galmudug, iyadoo xildhibaanada ay isku Khilaafeen in doorashada ay dhacdo 28-ka bisha halka kuwa kale ay dalbadeen in la aqbalo codsigii R/wasaare Xasan ee ahaa in doorashada dib loo dhigo 45 cisho.

Dooda ayaa meel xasaasi ah gaadhay taas oo keentay iney gacanta iskula tagaan xildhibaanada, waxaana ka dhashay Khasaare kala duwan.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Dadka ay dhibaatadu kasoo gaadhay waxaa kamid ah Xildhibaan Maxamed Xasan Geelle, iyado ILIG ka maqan yahay, Sodoo kalana waxaa Kasoo dhici Gaadha ISHA kadib gacan ka hadalkii,  sida aad Sawirada ka arki kartaan.

Kalafadhigii baarlamaanka Galmudug ayaa Xildhibaanadda inta badan  u codeeyeen in doorashadda Madaxweynaha Galmudug la qabto 10 April 2017, Waxaana Go’aanka ku dhowaaqay Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.

SOMALI NEWS

To Top