WARARKA SOOMAALI

Daawo:Wasiir Bayle oo shaaciyey wakhtiga rasmiga ah ee la bixin doono Mushaharka Ciidamadda Xoogga Dalka-Video

Wasiira Wasaaradda Xukuumadda Soomaaliya Dr C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in labada todobaad ee soo socota ay ku bixin doonaan musharaadka iyo xuquuqda kale ay leeyihiin Ciidamada Xooga dalka Soomaaliya.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Wuxuu sheegay Wasiir Beyle iney dhameystireen qorshe ay ku bixinayaan musharaarka shaqaalaha Ciidamada Dowladda Soomaaliya bilaha soo socda.

Sidoo kale,Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay in Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay har iyo habeen u soo jeedaan difaac dalka iyo ka hortagga cadowga,sidaasina ay ku muteysteen in loo joogteeyo mushaarkooda iyo xuquuqda ay u baahan yihiin.

Wuxuu sheegay in labada todobaad ee soo socota gudahooda Ciidamada Dowladda ay ku heli doonaan mushaarkooda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hogaamiyo Maxamed C/llaahi Farmaajo Maxamed ayaa dadaal ku bixisay ay ku joogteyn lahayd mushaarka shaqaalaha Dowladda Soomaaliya.

SOMALI NEWS

To Top