WARARKA SOOMAALI

DAAWO:Ra’iisul Wasaare Kheyre “Yaan Qofna laga ogalaan dhaliil Dalka Lagu duminayo,,Khudbad Taariikhi ah-Video

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa si kulul uga hadlay xaalada siyaasadeed ee uu dalka marayo iyo dhaliilaha loo jeedinayo Xukuumaddiisa, isagoo ugu baaqay shacabka in aysan ogolaan dhaliil ujeedo gaar ah lagu fushanayo.

Khudbad uu ka jeediyay Munaasabad lagu xusayay Maalinta Calanka Soomaaliyeed oo ka dhacday Garoonka Kubadda Koleyga Wiish Stadium ee degmada C/casiis ayuu sheegay in umadda Soomaaliyeed uu u soo baxay Iftiin.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

“Waxaa muhiim ah in aan qofna laga ogolaan dhaliil dalka lagu duminay, dhaliil ujeeddo gaar ah leh oo lagu fushanayo dano qaas ah in lagu dumiyo iftiinka nolosha ee hada u soo if baxay”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Isagoo aanan cidna carabaabin ayuu sheegay inay dhamaatay waqtigii ay madaxda niyad jabi jiraan ama in buuq siyaasadeed inta furmo ay Madaxda albaabada soo xiran jireen.

“Waa dhamaatay waqtigii la niyad jabi jiray, madaxda idin hor-taagan ma ahan kuwaas, maalmo ayaa la qeylinaya ama buuq siyaasadeed ayaa la furayaa waxaa idin balan-qaadayaa in aan idinla mari doono illaa meesha ugu dambeysa”ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Soomaaliya ay horay u socoto, isla markaana aysan gadaal u noqon doonin.

“Soomaaliya horay ayay u socotaa, gadaal uma noqoneysa, Soomaaliya waxay ku socotaa meel barwaaqo ah anaga ujeedna oo idin soo aragnay dhulka barwaaqada aan u socono”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa wajaheysa dhaliilo iyo culeysyo siyaasadeed oo uga imaanaya siyaasiyiin iyo maamul goboleedyada, iyadoo shirkii Madaxda maamul goboleedyada ee maanta lagu soo gaba gabeeyay Kismaayo farriimo adag loogu diray qaabka Xukuumadda u maareyneyso xaaladaha siyaasadeed ee dalka.

 

SOMALI NEWS

To Top