WARARKA SOOMAALI

DAAWO:Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo kulan xasaasi ah la qaatay Madaxweynaha Dalka Turkiga,Maxay ka wada hadleen?-Sawiro

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa magaalada New York kula kulmay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal.

Turkiga ayaa ah taageeraha ugu weyn ee Soomaaliya, waxaana uu ka taageeraa dhinacyo kala duwan, sida dib u dhiska, bani’aadanimada iyo horumarinta mashaariicda.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa sheegay in Madaxweynaha Turkiga ay ka wada hadleen dar dar gelinta iyo xoojinta xiriirka labada dal.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa ka mid ah Madaxda Caalamiga ee ka qeyb galaya shirka 72aad ee Golaha guud ee Qaramada Midoobey.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa kulamo la qaadan doona madaxda caalamiga ee shirka ka soo qeyb gashay, isagoo kala hadli doona taageerida Soomaaliya iyo xiriirka iskaashiga ee ay la leeyihiin dalalka uu madaxdooda la kulmo.

SOMALI NEWS

To Top