WARARKA SOOMAALI

Daawo:Qodobadii ka soo baxay Shirkii Caynaba oo dhan iyo Qaabkii Maamulka Khaatumo loogu wareejiyey Maamulka Somaliland

Waxaa maalintii shalay degmada Caynaba Heshiis ku gaadhay Dr. Cali Khaliif Galaydh iyo Axmed Maxamed (Siilaanyo) Heshiiskaasi oo dhigaya inay Khaatumo Qayb ka noqoto Somaliland.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Qododbada kasoo Baxay Heshiiska ee ay Saxiixeen Labada dhinac, oo Warbaahinta uu u Akhriyey Wasiirka Arimaha Dibedda ee Somaliland Sacad Cali Shire ayaa waxa u dhignaayeen Sidan.

1- In Lahelo Cadaaladd Sinaan Iyo Nabad Ku wada Noolaansho.

2- in La wada Ilaaliyo Jiritaanka Iyo Madax Banaanida Somaliland

3- In Khilaaf kasta oo Jira Lagu Dhameeyo Wadahadal Iyo Weji Nabadeed

4- in La Adkeeyo Midnimada Iyo Nabad Kuwada Noolaanshaha

5- In Dastuurka Dib loofuro Si loo sugo Awood Qaybsi Kudhisan Cadaalad iyo Sinaan, Gudi Joogta Ahna Arinkaasi Loo saaro.

6- In Dowlada Soomaliland Ururada Samafalka Iyo Ha’yadaha Jimciyadda Quurmaha ka dhaxaysa ka howl galaan Sidii Mashaariic Horumarineed  Looga Samayn Lahaa gobolada Sool, Sanaag Iyo Buuhoodle.

7- In Ciidamada Hubaysan ee Khaatumo lagu daro Somaliland ( La qarameeyo ) oo Wadanku yeesho Ciidan Qaran oo Suga Xuduudihiisa Iyo Jiritaankiisa Iyo Danihiisa.

Alle ayaa mahad leh.


Goobta uu heshiisku ka dhacay ayaa sidoo kale waxaa la sheegay inay ku sugnaayeen Ergooyin  la socday dhinaca Khaatumo, Kuwaasi oo la sheegay inay Xoojin u ahaayeen Wafdiga Cali Khaliif uu Hogaaminayey.

Waxaa dad badan iswaydiinayaan sida ay ku dhaqan geli doonaan Qodobada Heshiiskan lagu gaadhay, Iyadoo la ogyahay inay mudo kooban u hadhay Xukuumadda Siilaanyo uu hogaamiyo iyo Sida Shacabka khaatumo ay ku Aqbali doonaan inay qayb ka noqdaan Somaliland oo diiday inay Qayb tahay Soomaaliya.

 

SOMALI NEWS

To Top