WARARKA SOOMAALI

Daawo- Dr- Ali Khaliif oo si shuruud la’aana u saxiixay Mabaadiidii Beesha dhexe ee gooni-goosadka SL-VIDEO.

Xubnihii ka socday Khaatumo ee uu Hogaaminayey Cali Khaliif Galaydh ayaa magaalada  Caynaba Heshiis kula Saxeexday Maamulka Somaililand.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Waxaa Qodobada lagu Xusay Shirka Jaraa’id ee Warbaahinta loo Qabtay ka mid ahaa ” Ilaalinta Madax banaanida iyo Jiritaanka Somaliland iyo in Distoorka dib loo Furo si loo simo Awood Qaybsiga, In Khilaafka lagu dhameeyo Wadahadal iyo Jid Nabadeed.  “ Su aashu waxay tahay dastuurka laga doodayo ee la furayo, hadiiba mabdii la isku hayeey la saxiixay ” ayuu yidhi xeeldheere arimaha siyaasada ku taqaqusay oo horufadhi media wax ka weydiisay heshiiska.

Sidoo kalana waxaa Warbaahinta ku hadla Afka Somaliland ay sheegtay inay Xubnaha khaatumo Aqbaleen inay yihiin Qayb kamid ah Somaliland. Balse waxa qodobada ku cad in sheegashadoodu ay tahay run, isla markaana Ali khaliif oo madaxweynihaa Khaatumo weli ah oo galay taariikhda ah ninkii saxiixay gooni goosadka SL shuruud la’aan.

[email protected]

SOMALI NEWS

To Top