WARARKA SOOMAALI

Daawo:Maxaa ka soo kordhay shirkii Kismaayo uga socday Madaxda Maamulada iyo Qodobo hordhac ah-Video

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxda Maamul Gobolleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Labadii Maalin Ee la soo dhaafay ku shirayay Magaalada Kismaayo ay heshiis hor-dhac ah isla gaareen.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Xubno ka mida Mas’uuliyiinta ka qeyb galaya Shirka Madaxda Maamul Gobolleedyada ayaa Xaqiijiyay inay jiraan Qodobo dhowr ah oo ay isku raaceen Hogaamiyaasha ku shirsan Kismaayo islamarkaana ay jiraan Qodobo aan weli la isku Afgaran oo ka doodistoodu socoto.

1- in la Sameeyo Gole ay ku mideysan yihiin Madaxda Maamul Gobolleedyada

2- in Sanadkiiba ay mar kulmaan Madaxweyneyaasha Maamul Gobolleedyada,iyadoo Kulankaas lagu qaban doono Magaalo uu ka taliyo mid kamida Maamulada.

3- in Madaxda maamul Gobolleedyada ay iska dhex doortaan Hogaan,Hogaankaas oo aan weli la caddeyn,balse Qodobkaas ay weli doodiisu socoto.

4- Qodobka Afraad waxaa uu sheegayaa in Golaha ay ku mideysan yihiin Madaxda Maamul Gobolleedyada uu u taagan yahay Xalinta Khilaafaadka oo Madashaas ay xalin doonto haddii Labo Maamul uu Khilaaf soo kala dhex galo.

5- Qodobka Shanaad ee ay isku Afgarteen Hogaamiyaasha Maamul Gobolleedyada waxaa ka mida in Qodobada ka soo baxa Shirkooda ay la wadaagaan Dowladda Dhexe oo Muqdisho loogu keeno iyo in sidoo kale loo bandhigo Baarlamaanka Maamul Gobolleedyada.

6- Qodobka Lixaad ayey isku raaceen in Guddi ay u saaraan Khilaafka Xoogan ee ka dhex jira Madaxda Maamulka Galmudug.

 

SOMALI NEWS

To Top