WARARKA SOOMAALI

Daawo:Maleeshiyaad ka tirsan Ciidanka Somaliland oo Duulaan ku ah Degmada Saaxdheer iyo Mamulka Khaatumo oo ka hadlay-Video

Maamulka Somaliland ayaa isku diyaariyey inuu Duulaan Cusub iyo Weerar ku Qaado magaalada Saaxdheer ee Gobolka Sool, Waxaana Ciidamo Tiro badan ay kasoo Kaxeeyeen Duleedka Laascaanood iyo Degmada Xudun, Waxayna soo gaadheen oo Hada ay Fadhiisin Cusub ka samaysteen Deegaanka Dababtaag oo ku dhow magaalada Saaxdheer.

Waxgaradka Iyo Odayaasha deegaanka Saaxdheer oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Xiligan oo Dadku Xaalad adag oo Abaareed ku Jiro, ay la yaab ku Noqotay Duulaanka Cusub ee ay kusoo Qaadeen Deegaanka Ciidanka maamulka Somaliland, Waxaana hada deegaanka laga dareemay Saan-saan Colaadeed oo ay Wadaan Ciidanka S.land.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Dhinaca kale Wasiirka Amniga ee maamulka Khaatumo Kayse Cabdi Yuusuf oo Ka hadlay Duulaanka ay Soomaliland kusoo Qaaday magaalada Saaxdheer ayaa sheegay   inay Arintaasi dhaawici Doonto Wadahadalkii labada dhinac  “Ciidan Saaxdheer la geeyo ma Filayo,  Laakiin hadii ay ay dhacdo oo Cidi ku Fekerto, waa mid Dhaawici doonta Hanaanka Nabadeed”  ayuu yidhi.

 

SOMALI NEWS

To Top