WARARKA SOOMAALI

Daawo:Madaxweyne Farmaajo oo ka farxiyey 100 Qof oo Danyar ah kadib markii uu bixiyey Mashruux indhaha loogu fiiqayo-Video

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la sheegay in mushaarkiisa uu ku maalgeliyay mashruuc indhaha loogu fiiqay illaa 100 ruux oo ka mid ahaa dadka danyarta ee ku nool magaalada Muqdisho.

Wasiiru dowlaha Madaxtooyada C/qaadir Macalin Nuur ayaa dadka indhaha loo fiiqay ku booqday Isbitaalka ay gacanta ku hayaan Turkiga oo ku yaala degmada Xamar Jajab, waxaana dadka indhaha loo fiiqay ay u badnaayeen dad da’a ah.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

C/qaadir Macalin Nuur ayaa sheegay in Madaxweynaha uu balan qaaday inuu wax u qabto shacabka, isagoo xusay in todobaadyada soo socda ay noqon doonaan barnaamijyada dadka lagu hormarinayo kuwo is daba joog ah.

“Madaxweynaha ayaa jeebkiisa ka bixiyay in dadka araga la’ lagu daaweeyo, waxay ka mid aheyd balanqaadyadii uu sameeyay”ayuu yiri Wasiiru dowlaha Madaxtooyada.

Qaar ka mid ah dadkii ka faa’ideystay mashruucani ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha inuu mushaarkiisa ka bixiyay lacagta indhaha loogu fiiqay, iyagoo tilmaamay inay u tahay fursada ay heleen, maadaama aysan awoodin inay iska bixiyaan lacagaha indhaha loogu fiiqay.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa wareysi uu bishii March ee sanadkan siiyay Wargeyska Al-Sharqal Awsad ayaa mar la weydiiyay mushaarka uu qaato, waxaa uu sheegay in uusan garaneyn mushaarka uu qaato, isla markaana aysan jirin mushaar la siiyo.

 

SOMALI NEWS

To Top