WARARKA SOOMAALI

Daawo:Maamulka Hirshabeellle oo sheegtay Xaafado kamid ah Muqdisho iyo yaabka taagan-Video

Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Cosoble oo ka hadlay xadka maamulkiisa la wadaago gobolka Banaadir ayaa shaaca ka qaaday in xaafado katirsan magaalada Muqdisho ay hoos tagaan maamulkiisa.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdulaahi in xaafado katirsan Degmooyinka Hiliwaa iyo Kaaraan ay si rasmi ah u hoos tagaan maamulka Hirshabelle ee xaruntiisu tahay magaalada Jowhar

Madaxaweynaha ayaa tilmaamay in dadka degan Xaafado katirsan Degmooyinka Kaaraan iyo Hiliwaa ay u maleeyaan in ay hoos tagaan gobolka Banaadir, waxa uuna cadeeyay in maamulkiisa ay hoos tagaan xaafado katirsan Kaaraan iyo Hiliwaa uusan uusan carabaabin magacyadooda.

“Waxaan idiin cadeenayaa in xaafado ka mid ah Kaaraan iyo Heliwaa ay ka tirsan yihiin Hirshabelle, xisaabta wataa ma cadalaa Cisaley iyo Ceel macaan baa shaki la galin karaa, dad badan oo maanta u haysta inay Muqdisho ka tirsan yihiin waxa ay hoos tagaan deegaan ahaan Hirshabelle.” Ayuu yiri Cali Cosoble.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Madaxweynaha Hirshabelle Cali Cosoble ayaa sheegay in an marnaba shaki la gelin karin in Garoonka Diyaaradaha Cisaley iyo Dakadda Ceel Macaan ay katirsan yihiin Hirshabelle, waxa uuna cadeyay hadii lagu qabsado ama lasoo faragliyo in ay qaadan doonaan go’aan cad.

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa horey u sheegtay deegaano kuyaala duleedka Muqdisho in uu hoos tago maamulkooda, waxaa hada kusoo biiray maamulka Hirshabelle oo isna sheeganaya in xaafado katirsan gobolka Banaadir uu hos tago maamulkooda.

 

SOMALI NEWS

To Top