WARARKA SOOMAALI

Daawo:Maamulka Garoowe oo ka hadlay Xiisada ka taagan Gaalkacayo iyo Cida ka danbeysa-Video

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Xasan Maxamed Khaliif ayaa shacabka ku sugan Gobolka Mudug ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan nabada iyo is dhexgalka.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale beeniyay in ay Xiisad ka taagan Garoonka diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Mudane Khaliif ayaa sidoo kale tilmaamay in ay muhiim tahay in Warar been abuur ah aan laga baahin Bulshada.

Xasan Maxamed Khaliif Guddoomiyaha Gobolka Mudug ayaa sheegay muhiim in ay tahay in ay wada shaqeeyaan oo ay is dhexgalaan shacabka labada dhinac.

Waxa uu sidoo kale shacabka ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Ciidanka ammaanka, si looga hortago falalka amni darada ah ee mararka qaar dhaca.

SOMALI NEWS

To Top