WARARKA SOOMAALI

Daawo:Maamulka Galmudug oo go,aan cad ka qaatay arrinta Xiisadda Khaliijka,,Siyaadda arrimaha dibedda waxaa ku shaqo leh Dowladda dhexe-Video

Golaha Wasiirada Maamulka Galmudug ayaa maanta shir deg deg ah ku yeeshay magaalada Cadaado, iyagoo ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee soo kala dhex galay Madaxda maamulkaas.

Shirka ayaa looga hadlay xaaladihi u dambeeyay ee ka dhacay deegaanada Galmudug, waxaana laga soo saaray war murtiyeed ka koobnaa dhowr qodob.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug Maxamuud Aadan Massagaway ayaa saxaafada uga warbixiyay shirka iyo go’aamada laga soo saaray.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Go’aamada shirka laga soo saaray ayaa waxaa ka mid ahaa in la joojiyo shirarka siyaasadeed inta xal laga gaarayo khilaafka u dhaxeeya Madaxda maamulka.

Sidoo kale Wasiirada ayaa soo jeediyay in dowlad goboleedka Galmudug loo daayo xalinta khilaafkeeda, in ammaanka laga feejignaano iyo in waqti la geliyo howlaha mucaawino gaarsiinta dadka ay abaaraha saameeyeen.

Go’aamadan ka soo baxay Golaha Wasiirada Galmudug ayaa ka dambeeyay, kaddib markii Madaxweynaha Galmudug, Madaxweyne kuxigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka uu soo kala dhex galay khilaaf ka dhashay xiisada khaliijka oo Maamulka Galmudug uu isku khilaaf.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa taageeray isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta, halka Madaxweyne kuxigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ay ka soo horjeesteen, isla markaana taageeray go’aanka dowladda Federaalka ka qaadatay xiisada khaliijka.

SOMALI NEWS

To Top