WARARKA SOOMAALI

Daawo:Khasaare xooggan oo ka dhashay Qaraxii Galabta ka dhacay Muqdisho iyo dhimashada oo koradhay-Video

Qarax xoog leh ayaa galabta ka dhacay maqaayad ku taal egmada Xamar Weyne ee Gobolka Banaadir, iyadoo warar kala duwan uu ka soo baxayo qaraxa.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo la dhigay, afaafka hore ee maqaayadda oo ku dhow Bacadlihii hore ee Xamar Weyne.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Maqaayadda la qarxiyay ayaa caan ka ah degmada Xamar weyne iyo nawaaxigeeda waxaana lagu magacaabaa Isa-Saar.Goob joogayaal ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhashay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Ciidamada Ammaanka ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay, iyagoo xiray maqaayada iyo nawaaxigeeda.

Ugu yaraan toban ruux oo rayid ah ayaa ku geeriyootay tiro kabadana waa ay ku dhaawacmeen iyadoo dadka waxyeelada ka soo gaartay ay u badnaayeen dad rakaab ah oo saarnaa gaari caasi ah.

Weerarka qaraxan ayaa imanaya iyadoo Wasiirka Amniga uu sheegay in aan loo dulqaadan doonin amaan darada ka jirta Muqdisho waxana uu ka digey in saraakiil ka tirsan ciidamada iyo isaga laftiisaba laga yaabo inay xilkooda ku waayaan amni darada awgeed.

 

SOMALI NEWS

To Top