WARARKA SOOMAALI

Daawo:ilaalada Farmaajo oo si naxariis daro ah Gaadhi dusha uga mariyay ruux shacab ah iyo Xaalad kacsanan ah-Video

Gaadiidka Ilaalada u ah madaxweynaha DFS Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa madaxtooyadda horteeda ku dilay Fanaan kamid ahaa wasaarada warfaafinta dowladda Soomaaliya halka haweeney kalana ay dhaawacantay.

Xili uu madaxweyne Farmaajo kasoo laabanayay safarkii magaaladda Baydhabo ayaa isagoo maraya banaanka madaxtooyada waxaa gaadiidkiisii ay dileen fanaanka Tahlil Jimale Hubbane halka gabar kale oo la socotayna ay dhaawaceen.

“Gaarigii madaxweynaha ilaalinayay ayaa jiiray” sidaas waxaa xaqiijiyay Fanaan Nuuradiin Axmed Caalin oo ay saaxiibo ahaayeen.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Fanaanka dhintay ayaa kamid ahaa kooxdii Iftin ee Fanka Soomaaliyeed, kahor inta uusan dhimana waxaa loo qaaday isbitaalka laakiin waxaa uu ugeeriyooday dhaawaca.

Wararka aynu heleyno ayaa sheegaya in xabsiga la dhigay askarigii waday gaariga Cabdi-bilaha ah ee dilay fanaankaas.

Gaadiidka madaxda dowladda ay wataan ayaa waxaa ay dhibaato xoogan kasoo gaartaa shacabka, maadaama ay si xowli ah uwadaan iyagoo aanan unixin shacaba.

Madaxtooyadda Soomaaliya wali wax war ah kama soo saarin dhacdadan lagu dilay fanaanka dhintay.

SOMALI NEWS

To Top