WARARKA SOOMAALI

Daawo:Hay’adda Qatar Charity oo Muqdisho ka furtay Mashruuc lagu gargaarayo Dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Soobe iyo Madax ka qayb gashay-Video

Hay’adda Qatar Charity xafiiskeeda Soomaaliya oo ka mid ah hay’adaha ugu shaqada badan ayaa waxay daahfurayaan mashruuc lagu gargaarayo dadkii ay musiibada ka soo gaartay qaraxii 14-kii Oktoobar kadhacay isgoyska Zoobe.

Hay’ada Qatar Charity oo kamid ah hay’adihii ugu horeeyay ee ajiibay codsigii dawlada federaalka Soomaaliya ay ujeedisay inay dawladaha iyo hay’adaha caalimiga gacan ka gaystaan qaraxii sababay musiibada aad u wayn.

Munaasabad lagu daah furayay mashruuca gargaar loogu fidinayo mujtamaca Soomaaliyeed ayaa waxaa daahfuray ra’isal wasaare kuxigeenka dawlada federaalka Soomaaliya, wasiiro, xildhibaano iyo qaybaha bulshada ay ka koobantahay.

Ugu horayn waxaa halkaas kahadlay madaxa xafiiska Qatar Charity ee Soomaaliya mudane Cabdinuur Xaaji Cali Mursal ayaa sheegay:

“waxaan isaga tacsiyadeenaynaa musiibadii qaraxii 14-ka oktoobar 2017 iyadoo hay’ada Qatar ay markastaba waajibka kasaaran uu yahay in shacbiga Soomaaliyeed ay markastaba diyaar uyihiin inay waxii karaankooda ah ay soo gaarsiiyaan walaalahooda Soomaaliyeed.”

“Hay’ada Qatar waxay xooga saari doontaa sedax arimood oo muhiim ah:

1) Waxay xooga saari doontaa caafimaadka ambalaasyada iyo qalab caafimaad.

2) Waxaan ognahay dadka meesha ku la’day inay ahaayeen dadk masaakiin ah oo garab rarata ah waxaa loo abuuri doonaa barnaamij dhaqaale abuur ah.

3) dadkii ku dhaawacmay waxaan siin doonaa lacag socon doonta sedax bilood.”

Ayuu yiri madaxa xafiiska Qatar Charity ee Soomaaliya mudane Cabdinuur Xaaji Cali Mursal.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay in hay’ada Qatar xafiiskeeda Soomaaliya uu laba bilood kadib jirsan doono 10-sano, hay’ada Qatar Charity waa isku xiraha shacbiga Qatar iyo shacbiga Soomaaliyeed.

Wasiirada arimaha gargaarka iyo maaraynta musiibooyinka Drs. Maryan Qaasim ayaa umahad celisay hay’ada Qatar Charity waxay marwalba gacanta ufidisaa shacabka Soomaaliyeed.

“mana hilmaami doono shacbiga Qatar iyo dawladooda iyo hay’ada Qatar Charity dadaalka ay markasta u muujiyaan shacbiga Soomaaliyeed” ayay tiri wasiirada gargaarka iyo maaraynta musiibooyinka ee dawlada federaalka Soomaaliyeed Drs. Maryan Qaasim.

Ugu dambayn waxaa kalimadii ugu dambeysay kajeediyay raysal wasaare kuxigeenka dawlada federaalka Soomaaliya Av-Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) wuxuu umahad celiyay sida wacan ay usheegeen hawlaha ay uqabanayaan bulshada Soomaaliyeed ayna u qaban jireen hay’ada Qatar Charity wuxuuna umahad celiyay dawlada Qatar oo iyagana gacan ka gaystay inay kaalmo ufidiyaan dadkii ku dhaawacmay qaraxii isgoyska Zoobe.

“Kaalmadan ay fidiyeen hay’ada Qatar Charity waxay tahay mid wax ku ool ah innagoo og baahiyaha aan uqabna abalaasyada iyo qalabka caafimaadka ee ay noo fidiyeen.” ayuu yiri raysal wasaare kuxigeenka dawlada federaalka Soomaaliya mudane Av- Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar)

Hay’ada Qatar Charity xafiiskeeda Soomaaliya oo jirsaday 10-sano ayaa hawlaha uu wax qabto waxaa kamid ah daryeelka agoonta, gurmadka abaaraha, mashaariicda horumarinta, caafimaadka, waxbarashada, biyaha, dhismaha Masaajidada, qodida ceelasha, kaalmeenta masaakiinta, danyarta iyo curyaamiinta.

SOMALI NEWS

To Top