WARARKA SOOMAALI

Daawo:Farmaajo oo afka Furtay“Anaga Hadaan Xumaano Soomaali wacnaanaysaa ma jirto,,-Video

Waxaanu Halkan idiinku soo gubdinaynaa khudbadd uu maalintii shalay salaadda jimcaha kadib ka jeediyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo masjidka shuhadaa ee magaalada Muqdisho.

Madaxwayne Farmaajo ayaa wuxuu ku dheeraaday Dhibaatooyinkii Hore u dhacay, Islamarkaana loo baahan yahay in Alle loo Noqdo, Wuxuuna sheegay in Dalka Soomaaliya aanu Xumayn, Balse ay dadku Xanuunsan yihiin. “Dalku wuxuu ka Burburay Cadaalad Daro, iyo dadka Masaakiinta ah oo aan loo Naxariisan, Sida aynu Xaaladaas uga Bixi karno, waa inaynu Ummada u Hayno Amaanada, oo Musuq-maasuqa la iska Fogeeyo”.

“Waa inaan Adduuunka Tusno  inaan nahay Dad fiican, oo Dadkeena oo aan Tusno in Qofkii yimaada aanu Noqon karin Qof Xun, Laakiin Shacabka waxaa laga Rabaa inay Qayb ka qaataan, Waa inaynu iska Naxno oo Gar-gaarno Kuweena Jilicasan, Markaa Alle waa inoo Naxariisanayaa, oo waynu ka baxaynaa Fakhriga iyo Cadaalad Darada.”

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Dhinaca kale wuxuu sheegay inay Jiraan Kooxo  u istaagay inaysan Soomaaliya Jirin, Wuxuuna sidoo kale sheegay inay jiraan dad wanaagsan oo kuwaa kasoo Horjeeda.  “Marnaba kuma Noqon doono Jidkii Hore, Laakiin waxaanu u baahanay Dhamaan Shacabka Soomaaliyeed inay Gacan Nasiiyaan, waa inaynu isku Tashano, Nin Jiifa waxba lama siinayo, Nin isagu Lugaha iska Jebinaya waa la Ceebaynayaa,  aynu ka Shaqayno danta Guud.”

Farmaajo ayaa sidoo kale waxaa uu ka hadlay in hadii isagu uu xumaado iyo xukuumadiisa aysan Somaali kale wacnaan doonin“Anaga Hadaan Xumaano Soomaali wacnaanaysaa ma jirto,,

Wararka Horufadhi.com

SOMALI NEWS

To Top