WARARKA SOOMAALI

Daawo:Dowladda Soomaaliya oo war rasmi ah kasoo saartay Qaraxii lagu dhamaaday ee Muqdisho iyo Khasaaraha ka dhashay-Video

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa war ka soo saartay khasaarihii baaxada lahaa ee ka dhashay qaraxii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Isgoyska Zoobe ee KM5.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu xaqiijiyay in 276 ruux ay ku geeriyoodeen qaraxii shalay, halka 300 oo ruux ay ku dhaawacmeen.

“Weli waxaa lagu guda jiraa gurmad qaran oo wixii soo kordha dib laga soo sheegi doono. Meydadkan ayaa 111 ka mid ah ay qoysaskooda aasteen halka inta kale ay Dawlada Federaalka iyo Dawladda Hoose ee Xamar ay si sharaf leh u aaseen, iyadoo loo wada sameyn doono baroordiiq heer Qaran ah iyo duco maalmaha soo socda”ayaa lagu yiri War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta.

Dowladda Federaalka ayaa u mahadcelisay shacabka, cidianka, shaqsiyaadka is-xilqaamay, Maamulka Gobolka Benaadir iyo dhammaan dadkii gacanta ka geystay tan iyo shalay markii qaraxa dhaca ilaa iyo hadda oo wada gurmad aan kala go’ laheyn.

Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada, Wasiirka Amniga Gudaha, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir iyo mas’uuliyiin kale ayaa dhiigooda ku yaboohay dhaawacii si loogu dabiibo.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa booqasho rasmi ah oo uu ku tagi lahaa dalka Turkiga baajiyey isagoo kulamo muhiim ah la lahaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Turkiga.

Madaxda Qaranka ayaa ku guuleystay inay codsi gurmad ay weysdiisteen waddamada aan saaxiibanada nahay oo qaarkood ay ka soo jawaabeen, sida Dawladda Turkiga oo aqbashay soona direysa diyaarad qaas ah oo dhaawaca lagu qaado. Sidoo kale dawladda Turkiga ayaa soo direysa takhaatiir iyo wafdi heer sare ah oo u imaanaya inay xaalada qiimeeyaan isla markaasna u gurmadaan dhaawacyada. Sidoo kale wadamada deriska ah oo ay ka mid yihiin Djibouti, Kenya iyo Ethiopia ayaa iyagana diyaar u ah inay gurmad takhaatiir iyo daawooyin ah soo diraan.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa magacaabay Guddi heer wasiiro ah oo ay ku jiraan xubno ka socda bulshada rayidka iyo culumaa’udiinka. Guddigan ayaa waxaa la shaqeeya dhalinyaro si mutadawacnimo ah u howlgalayey tan iyo shalay oo kormeer ku sameeyey isbitaalada iyo goobta qaraxa ka dhacay. Sidoo kale ciidanka ayaa si xowli ah uga qeybqaadanayey gurmadka oo 400 askari ayaa tan iyo maanta ku howlanaa nadiifinta goobta qaraxa ka dhacay iyadoo si taxadar leh guryaha burburay looga baarayey dad nool iyo meydba. Ugu yaraan labo qof oo nool ayaa laga soo dhex saaray guryahaas kuwa ka mid ah.

Waxaa socda gurmad la isu raadinayo dadka kala maqan ama la la’yahay iyo mid dhaqaale loogu ururinayo dadkii waxyeeladu soo gaartay iyo dhismayaashii burburay. Sidoo kale waxaa socda wacyigelin ballaaran oo bahda warbaahinta iyo culumada ay si xoog leh uga qeybqaadanayaan, loona baahanyahay in la sii joogteeyo.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO 

SOMALI NEWS

To Top