WARARKA SOOMAALI

Daawo:Dowladda Soomaalia oo soo Bandhigtay Ragii ka danbeeyay Qaraxii Soobe iyo Nin Shirkadda Hormuud u shaqeeya oo ku jira-Video

C.wali Ibraahim Gadh-yare oo ah Saxafi Soomaaliyeed, Islamarkaana Mudooyinkii ugu dambeeyay ku sugnaa Gudaha dalka, Una Tartamay Xilal Siyaasadeed ayaa ka hadlay Wuxuu ka yaqaano mid  kamid ah dadka loo Qabtay Qaraxii Zoope oo Dawladda Soomaaliya Soo bandhigtay Wuxuu ku bilaabay Hadalkiisa.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

” Ninkan haddii ay sax tahay warka dowlada kasoo baxay ee ah inuu madax u ahaa “ Qaraxyada Muqdisho “ oo waliba hadda qarixii Zoobe loo qabtay. Waxaa u baahan in xaalkiisa su’aalo badan laga weydiiyo shirkada “ Hormuud” oo uu shaqaale ka ahaa, gaar ayaan xarunta Zoobe ku taal.

Aniga ayaa shaqsi ahaan u aqaan, oo waliba xarunta Zoobe marka aan tago ku arki jiray isaga oo howsha shirkadaasi dhexda uu uga jiro. Shirkadana waa muhiim inay taqaan dadka ay shaqada siineyso iyo xaalkooda shaqsiyadeed. Ma ahan wax qarsoomi kara inuu madaxa qaraxyada uu ka dhex shaqeeyo xarunta Hormuud, ee sidee ula socon weysay xaalkiisa?

Ninkan arday ayaa ciyaalnimadii isla aheyn, balse markii dalka ay ciidanka Itoobiya soo galeen oo aan dibada u qaxnay isaga waa uu ku haray dalka, waxaana markii ugu horeysay oo aan dalka kusoo noqday ku arkay shirkada Hormuud isaga oo “ GARWEYN “ la baxay. Ma garan, balse isagaa i gartay, oo igu dhahay “ Garyare, ma dalka ayaa kusoo noqotay iyo goorma ayaa lagu arkayaa, si aan isku wareysano?!”. Intaasiba ugama jawaabin, oo shaqo aan shirkada uga baahnaa ayaan ku mashquuliyey, maxaa yeelay judhiiba waa ka shakiyey, maxaa yeelay isaga iyo Abdillahi Soomaali oo aan arday isla aheyn waa isku ogaa, Abdillaahi Soomaalina inuu Al-Shabaab noqday waan la socday, Abdiweli Seynis ‘ se shaki inuu ninkaasi la garasho yahay ayaa i galay, haddana Hormuud ayuu u shaqeeyaa ayaa i celisay.

Yeelkeed’se, ninkaasi markii aan arko waa shareysan jiray, mana ku farxi jirin magaciisa iyo muuqiisa, sababtana waa in dalkan la isku dhex jiro oo aan dadka la kala aqoon. Haddana facebook ayuu farriin iiga soo diray, isaga oo raba telkeyga gacanta, mase uga jawaabin, maxaa yeelay xiriirkiisa dhan ma rabin.

Caawa ayaase tuhunkii aan qabay iftiin soo galay, oo markii aan ku arkay bogga wasiirka waxaa dhab ii noqday tuhunkii aan ka qabay ninkaasi. Alle ayaana dhagartiisa iga bixiyey. Waanse ka xumahay inuu arday ila soo ahaa qof bahal isku baddelay oo ummadiisa xasuuqaya. “

SOMALI NEWS

To Top