Maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in gobolka Hiiraan ay dhibaato badan ka taagan tahay isticmaalka lacagta Shilinka Soomaaliga.
Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qeybo badan oo ka mid ah uu ka taagan jahwareer ka dhashay Isticmaalka lacagta Shilinka Soomaaliga.
HALKAN RIIX DAAWO VIDEO
Waxuu sheegay in loo bahan yahay in la sameeyo siyaasad guud oo lagu fadhiisinaayo dib u dhiska dhaqaalaha Soomaaliya iyo hormarinta lacagta Shiling Soomaaliga.
Ganacsatadda gobolka Hiiraan ayuu ugu baaqay in ay qaataan lacagta Shilinka Soomaaliga.
Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa Magaalada Baledweyne laga diiday qaadashada lacagta Shilinka Soomaaliga.