WARARKA SOOMAALI

Daawo:Camey oo Garoowe ku laabtay,Muxuu ka yidhi Shirkii Kismaayo iyo in uu Dowladda Somalia Lacago ka qaatay-Video

Cabdixakiim Camey Madaxwayne ku xigeenka maamulka Puntland oo kasoo laabtay safar uu ku tagay waddamada Zambia iyo Kenya ayaa ka hadlay socdaalkiisa, arrimo la xariiray mowqifkiisa shirka Kismaayo iyo qaabka warbaahintu u tabisay warar sheegayay inuu taageero lacageed ka helay xukuumadda fadhigeedu yahay Muqdisho.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Camey oo saxaafadda kula hadlayay Garoowe, ayaa beeniyay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay siisay lacag xilli uu sii maray Muqdisho kahor intuusan tagi magaalada Nairobi. “Dadka dowladda ku jira ee burushka Xaaraanta ah sita, waxaan leeyahay war umadda u tura idinkuna la fihiina u tura, waxaan leeyahay wararka beenta ah ee la fidinayo ha la joojiyo.” Ayuu yidhi.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay inuusan jiri doonin fasax dambe uu u qaadanayo inuu la kulmo Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya.

C.xakiim Camey ayaa ku adkaystay Go’aankii horey ugu sheegay in Shirka Kismaayo uu ahaa mid Xaaraan ah, Wuxuuna soo dhoweeyay in dowladda Soomaaliya ay casuumad u fidisay maamul goboleedyada, Wuxuuna ku baaqay inay laga shaqeeyo midnimada dalka.

SOMALI NEWS

To Top