WARARKA SOOMAALI

Daawo:Cabdiweli Gaas oo yidhi“Dowladda Somalia Muqdisho uun bay ka talisaa,Dalka waxaa Maamulada Maamul Gobaleedyadda,,-Video

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland cabdiweli Maxamed Calo Gaas oo maanta gaaray magaalada garoowe ayaa hadlay War-saxaafadeed kasoo baxay madaxda maamullada iyo madasha uu Guddoomiyaha ka yahay, kuwaas oo dowladda usoo jeediyey eedeemo aad u weyn.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Gaas oo wax laga weydiiyay in Madashan la mid tahay qab-qablayaashii dalka soo maray islamarkaana carqalad ku yihiin dowladda ayaa yidhi: “Adeer hadalkaas waa hadal meel waayay, Madasha Dastuurka ayay ku qorantahay, Dastuurka maadan akhrin miyaa, Dastuurka ayay ku qorantahay in maamul goboleedyadu samaysan karaan madal ay heshiis ku yihiin.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale sheegay in dowladda dhexe ay maamusho oo kaliya magaalada Muqdisho, balse dalka intiisa kale ay maamulaan maamul goboleedyadu.

“Adeer dalka Soomaaliya dowlad dhexe kaliya ma xukunto, dowlad dhexe Xamar bay ku koobantahay, dalka dowlad goboleed baa gacanta ku haya mas’uuliyad baana naga saaran, taas ayaana na faraysa inaynaan cidna magan uga noqon cidna aynaan u hoos imaan.” Ayuu yiri Gaaas

SOMALI NEWS

To Top