WARARKA SOOMAALI

Daawo:Al-shabaab oo ku baaqday in la Toogto Ninkii la sheegay dhawaan in uu ku gafay Nebiga NNKH-Video

Xarakada Al-Shabaab ayaa ku baaqday in la dilay nin lagu eedeeyay inuu aflagaadeeyay Nabi Muxamed NNKH, kaasoo maalin ka hor ay dambi ku weysay Maxkamad ku taal Koofurta Gaalkacyo.

Ninkan ayaa maalmihii la soo dhaafay si weyn loo hadal haayay, kaddib markii u meel dhigay sawir uu ku sheegay i uu yahay Nabi Maxamed NNKH,

Guddoomiyaha Al-Shabaab u qaabilsan Gobolka Mudug Sheekh C/qaadir Abuu Cadnaan ayaa sheegay in ninkan uu caayay Nabiga CSW, isla markaana xukunkiisa uu yahay dil iyo in nafta laga gooyo.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

“Adeer Xukunka Ninkaas wuxuu Kitaabka alle ku xukumay dil, insha allaah Ninkaas iyo madaxiisa iskuma oollayaan, Mujaahidiinta iyo Muslimiinta Ninkaas waxaa uga yaal in ay madaxiisa kala gooyaan” ayuu yiri Abuu Cadnaan oo la hadlayay Idaacada Andalus ee ku hadasha Afka Shabaabka.

Waxaa uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in dilka ninkaas ay ugu dhawaadeen Alle, isla markaana aysan ka leexan hadii ay fursad ku helaan oo ay dilaan sida uu yiri.

Abuu Cadnaan ayaa ugu baaqay dadka ku sugan magaalada Gaalkacyo in ninkan meel walba oo ay ku arkaan lagu dilo.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Al-Shabaab ay ninkan ka qaadi doonto tallaab, isagoo ku sifeeyay in ninkan uu gaaloobay.

Hey’adda Culimada Islaamka ayaa bayaan ay dhowaan soo saareen waxay ninkan ku tilmaameen inuu ka baxay Diinta Islaamka, waxayna ugu baaqeen Maamulka Galmudug inay ka qaadaan tallaabo sharciga waafaqsan.

SOMALI NEWS

To Top