WARARKA SOOMAALI

Daawo+Akhriso:-Taariikh Nololeedka Allaha u naxariistee Gudoomiye Yariisow-Video

Muqdisho (HM)-Duqa Magaalada Muqdisho, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan wuxuu Siyaasadda Soomaaliya ku lug lahaa ku dhowaad 15kii sano ee ugu dambeysay.

Wuxuu billaabay in arrimaha siyaasadda uu ka shaqeeyo xilligii uu ku noolaa magaalada London ee dalka Britain.

Wuxuu sannadkii 1986-dii ka qalanjebiyay jaamacadda Umadda Soomaaliyeed, isagoo bartay culuumta handasada.

Markii uu jaamacadda dhammeeyay illaa sannadkii 1991 wuxuu ka shaqeeyay Wasaaraddii howlaha guud iyo guriyeynta iyo wasaaraddii Maaliyadda oo uu u ahaa Injineer iyo maamule mashaariic.

Intii uu London ku sugnaa, Eng. Yariisow wuxuu bartay maareynta ganacsiga, culuumta kumbuutarada iyo maamulka iyo maareynta guriyeynta oo 2004 uu shahaadada mastarka ka qaatay jaamacadda Westminster.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wuxuu London ka noqday hoggamiye bulsho iyo Maamule iskuullo. Wuxuu sidoo kale ka mid ahaa qabanqaabiyihii kulankii weynaa ee qurba joogta Soomaalida UK ee 2007-dii lagu qabtay magaalada Leicester.

Wuxuu noqday guddoomiyihii ururka u dooda xuquuqda Soomaalida UK ee Somali Concern Group, muddadii u dhexeysay 2004 illaa 2008.

Mudaadii uu Soomaaliya ku sugnaa wuxuu ka shaqeeyay dowladda oo uu ka qabtay xilal ay ka mid yihiin, lataliye sare, laba goor oo uu wasiir noqday iyo mar uu afhayeen ahaa.

Wuxuu lataliyaha warbaahinta iyo istiraatiijiyadda u noqday madaxweynihii hore, Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasaaradaha uu horey u soo maamulay waxay kala yihiin Maaliyadda iyo Warfaafinta.

Injineer Yariisow ayaa maanta ku geeriyooday cisbitaal ku yaalla magaalada Dooxa ee dalka Qatar halkaas oo looga daweynayay dhaawicii ka soo gaaray weerarkii lagu qaaday xarunta aqalka Dowlada Hoose ee Muqdisho.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay weerarka lagu bartilmaameedsaday xarunta dowladda hoose ee Muqdisho.

Qaraxa ayaa dhacay xilli uu maamulka Gobolka Banaadir halkaasi uga socday shir toddobaadla ah oo ay yeeshaan.

Xaruunta gobolka Banaadir waxay ka mid tahay xaruumaha dowladda ee sida weyn ammaankooda loo adkeeyo.

SOMALI NEWS

To Top