WARARKA SOOMAALI

Daawo:Aas Qaran oo Muqdisho loogu Sameeyay Wasiirkii Howlaha Guud iyo Guryeynta Somalia oo Xalay Muqdisho Lagu dilay-Video

Aas qaran ayaa maanta magaalada Muqdisho loogu sameeyay wasiirkii wasaaradda Howlaha Guud iyo dib u Dhiska marxuum Cabbaas Cabdullahi Siraaji oo xalay lagu dilay magaalada Muqdisho, Madaxda ugu sarreysa dalka Soomaaliya ayaa ka qeyb galay Janaasada marxuumka oo lagu qabtay masaajid ku yaalla madaxtooyada.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Waxana aaska ka qeyb galay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo masu’uuliyiin kale.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo, ayaa si lama fillaan ah u soo gaabiyay booqashadii uu ku joogay dalka Itoobiya, ka dib dilka wasiirka.

Cabbaas oo 32 sano jir ahaa ayaa la sheegay inuu ahaa wasiirka ugu d’ada yar wasiirada xukumadda cusub. Wuxuu ka mid ahaa qaxootigii ku soo barbaaray xerada qaxootiga ee Dhadhaab.

SOMALI NEWS

To Top