Dhawaan waxa hadal qofkastoo caqli leh ka yaq yaqsooday hawada soo marshey Saadiq Abshir Garaad oo asagoo dhinacwalba u ridaya soo fadhiistay Somalichanel, Saadiq oo adeerkii ku hayey boos xildhibaanimo tan iyo inti la Aas aasay maamulkaaslagu kahsaaroobey ahaa xildhibaan inkastoo uu sheegtay inuu xeelad u dadka dheer yahay uu ku joogo balse la ogyahay in Garaad Saleebaan oo adeerkiis ah markastaba ku qoro booskaas.
Hadaba waxa asaguna dhawaan xilkii iska casilay Yuusuf Abgaal oo ka mid ah dhalinyrada gobolka Cayn oo gudoomiyaha gobolka Cayn ay u magacaabeen maamulka Cusub, wuxuu Yuusuf mudadii sanadka ka yaray ee uu fekerka Pl qaatay uu darsey cida iska leh waxa la dhaho Puntland, asagoo adeegsanaya caqligiisa iyo damiirkiisa ayuu dareemay inuumarti yahay asaga iyo kuwa kaleba, walow Yuusuf uusan Garoowe marti marnaba ku noqon Buuhoodlena uu aaminsanaa hadana, xilkii ayuuba u arkay xil martiyeed, Dhulbahantena uusan waxba ku lahayn , waxna aysan ka ahayn xushmad iyo cizana ku haysan.
HALKAN KA DAAWO HADALKA YUUSUF ABGAAL….
Saadiq Abshirna wuxuu maanta dadka ugu sheekeynayaa Xaabsadena waa Xalaal oo mar ayuu Puntland ka cararay , marka Hargaysa u cararay, Cali Khaliifna waa cadow, dabcan siyaasiyiinta Majeerteen Cali Khaliif cadowgooda siyaasadeed inay u arkaan waaba hubaal oo mar haduusan amarkooda fulineyney isla markaana hankooda oo kale yeeshay waxay u arkaan cadow , balse nasiib darradu waxa weeye marka mid inaadeerkiis ah ay ka soo dhex hadlaan. Kaasoo carabkoodii ku hadaaqaya.
Si kastaba ha noqotee, caruurta yar yari maanta waxay ka dheregsan tahay in hadal Garoowe uu ka yidhi nin 17 sano joogey , oo waxkasta ku lumiyey, Dhul, dhaqan, shakhsiyad iyo dad badan oo xasuuqiisa Saadiq looba haysto inay tahay maah maahdii reer xamarka ahayd ee Warkaa waa kaa soo horeeyey.