WARARKA SOOMAALI

Xukuumadda Muuse Biixi oo qabsatay xili kama dambeys ah xili Mucaaradku dalbanayo doorasho deg deg ah-Video

Hargeysa (HM)– Waxaa maanta magaalada Hargeisa kulankii Labaad ku yeeshay Muuse Biixi Cabdi  madaxwaynaha Somaliland oo uu wehelinaayo ku xigeenkiisa Cabdiraxmaan Saylici Iyo Madaxda Xisbiyada mucaaridka ee UCID iyo Waddani Eng Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Cirro.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Markii kulankaasi laga soo baxayna wax saxaafada la hadlay madaxweyne ku xigeenka Somaliland iyo gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ee Waddani waxayna sheegeen la isla qaatay inta ka horaysa 10/01/2020 in laga shaqeeyo oo la gudo galo qodobadii hore loogu heshiiyey loona dhamaystiri lahaa si looga gudbo caqabadihii ku gadaamnaa doorashooyinka.

In si wada jira ay hoggaanka axsaabta qaranku uga wada shaqeeyaan waqtiga ugu suurta galsan ee doorashadu ku qabsoomi karto.

In sadexda xisbi qaran ka hawl galaan dhammaystirka caqabadaha ku gedaaman qabsoomidda doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka.

In si wada jira sadexda xisbi qaran u guda-galaan soo jeedintii odayaasha ee arrimaha doorashada.

SOMALI NEWS

To Top