Xildhibaannada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta Xaruntooda waxaa ay ku yeesheen mid kamid ah kulamadooda caadiga ah, iyaga oo iska soo dhex xulay Xubnaha Aqalka Sare ku matali doona Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka labada Aqal.
Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa magacaabay xubnaha golahaasi ku matalaya gudiga dastuurka ee labada aqal kuwaas oo ka kooban 5 xubnood.
Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa dhankooda waxaa laga sugayaa inay iska soo dhex xulaan Xubnaha ku matali doona uddiga Arrimaha Dastuurka ee Baarlamaanka labada Aqal, waxaana wareegto ku magacaabi doona Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur ( Madoobe).