WARARKA SOOMAALI

Xogta Turkiga oo ka shifay halis Sucuudigu caalamka u qariyey-Video

Muqdisho (HM)-Dowladda Turkiga ayaa ku eedeysay Sacuudi Carabiya inay dunida ka qarisay tirada dadkii tegay cumrada ee laga helay cudurka Coronavirus, taasi oo halis gelisay dadaallada lagu xakameynayo faafitaanka cudurkaas.

Wasiirka arrimaha gudaha Turkiga Suleyman Soylu ayaa sheegay in kiisaskii ugu horreeyey ee Coronavirus ee Turkey la helay kaliya kadib markii baadhitaan lagu sameeyey dadkii dalkaas u dhashay ee kasoo laabtay Sacuudiga carabiya oo ay u tageen arrimo la xidhiidha cumro.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

“Sacuudi Carabiya naguma wergelin annaga iyo dunida kaleba kiisaska Coronavirus,” ayuu yidhi Suleyman Soylu oo la hadlay wakaaladda warraka Turkey ee Anadolu.

“Markii dadka ay kasoo laabteen cumrada, wasaaradda caafimaadka waxay qaaday tallaabooyin kadib markii qaarkood laga helay Coronavirus, waxaana la geeyey xarumo lagu hayo,” .

Turkey ayaa waxay xaqiijisay in 75 qof ay cudurkaas ugu dhinteen dalka, halka guud ahaan uu sameeyey 3,629 qof. Si kastaba Turkey ma aysan diiwaan-gelin wax kiisas ah ka hor inta aan laga helin dadkii kasoo laabtay cumrada.

Turkey ayaa waxay xanuunka ka baadhay dad gaadhay 40,000 qof, kadib markii Shiinaha ay ka heshay 50,000 oo ah qalab 15 daqiiqo gudahood ku sheega natiijada baaritaanka. Waxay sidoo kale fileysaa inay maanta hesho 300,000 oo kale oo ah aaladaha tijaabada oo ka imanaya Shiinaha.

SOMALI NEWS

To Top