WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Xoghayaha Amniga Gudaha Maraykanka oo iscasishey iyo Xaalad ka taagan Xuduuda-Video

Muqdisho (HM)-Xoghayaha Amniga Gudaha dalka Maraykanka Kirstjen Nielsen oo dhaqangelisay sharciyo khilaaf sababay ee siyaasada xuduudaha ayaa ku dhowaaqday inay is casishay.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Madaxweyne Trump ayaa u magacaabay xilka ay iska casishay Nielsen Madaxii xuduudaha dalka Maraykanka Kevin McAleenan.

Ms Nielsen ayaa mas’uul ka ahaa darbiga laga dhisayo xadka uu la wadaago Maraykanka dalka Mexico iyo weliba kala geynta qoysaska soo galootiga ah.

Is casilaada Wasiirkii Amniga Gudaha Maraykanka Ms Nielsen ayaa timid kadib markii uu sheegay Madaxweynaha Maraykanka in uu doonayo sharciyo adag oo soo galootiga ah uu soo rogo.

Madaxweyne Trump ayaa waxa uu ku dhaliili jirey Ms Nielsen inay jilcan tahay waxaana bilihii la soo dhaafay sare u kacay dadka soo galootiga ah eek a soo gudbaya xadka dalka Maraykanka uu la wadaago wadanka Mexico.

Wargeyska New York Times ayaa daabacay in Ms Nielsen ay kulan la yeelatay Axadii shalay Madaxweyne Trump si ay ugu soo bandhigto qorshe ay ku dooneysay inay sare ugu qaado ammaanka xadka.

Hase yeeshee waxaa haweeneydan cadaadis lagu saaray in ay iska casisho xilkeeda. Nielsen oo ah 46 sano jir ayaa xilkan haysay illaa iyo bishii December 2017.

SOMALI NEWS

To Top