WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Wafti ka socda Dalka Jarmalka oo Muuse Biixi la kulmay kadib kulankoodii Garoowe-Video

Hargeysa (HM)-Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kula kulmay xafiiskiisa wafdi ka socda dowlada Jarmalka oo ay hogaaminaysay safiirka waddanka Jarmalka u fadhida Somaliya Ambassador Annett Günther.

Kulankan oo ka dhacay Madaxtooyada magaalada Hargeysa ayaa arrimihii loogaga hadlay waxaa ka mid kordhinta deeqaha uu jarmalku siiyo Somaliland, mashaariicda horumarineed ee dawladda Jarmalku ka waddo gudaha Somaliland sida waddooyinka iyo Biyaha.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Qodobada kale ee labada dhinac ku soo qaadeen kulankooda ayaa waxaa ka mid ah arrimaha doorashooyinka, dimuqraaddiyadda, xoojinta xiriirka Somaliland iyo Jarmalka, waxbarashada iyo kalluumaysiga.

Booqashada ay safiirka dalka Jaramalka ku tagtay magaalada Hargeysa ayaa ku soo beegantay xilli uu ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu ka codsaday dalalka Midowga Yurub inay ka caawiyaan sidii wadahadaladii u dhexeeyay Dowlada Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland dib loogu bilaabi lahaa.

SOMALI NEWS

To Top