WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Xog ku saabsan Shirka Dowladda Farmaajo ka dhan ah ee Madaxda Maamul Gobaleedyada iyo Beesha Caalamka-Video

Nairobi ( HM ) Madaxda Maamul goboleedyada ee ku sugan magaalada Nairobi oo kala Madaxweynayaasha Jubbaland, Galmudug iyo Puntland, waxa ayna Madaxdan kulamo kala duwan la qaateen xubno kamid ah wakiilada Beesha Caalamka iyo xubno kale.

Madaxda sadexda maamul goboleed ayaa kala hadlay Wakiilada beesha caalamka arimo dhowr ah ay kamid tahay khilaafka dowlada iyo maamul goboleedyada, deeqaha beesha caalamka bixiyaan iyo doorashada 2021-ka.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Madaxda Maamul goboleedyada ayaa Wakiilada beesha caalamka u gudbiyay in wax laga bedelo habka macaamilka maamul goboleedyada iyo sidoo kale cabasho ay ka keeneen deeqaha loo soo marsiiyo dowlada federaalka Soomaaliya.

Waxa ay ka codsadeen Madaxda maamul goboleedyada wakiilada geesha caalamka ay la kulmeen in deeqaha si toos ah ugu wareejiyaan Maamulada sidoo kale la dhiso Road Map doorasho, iyagoona cadeeyay in Xukuumada aysan wali diyaarin nidaamka doorasho .

Madaxda maamul goboleedyada Jubbalannd, Galmudug iyo Puntland ayaa hada u muuqda kuwa isbaheysi hoose leh, waxaana shirka Nairobi ka dhacay ka maqan Madaxda Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed oo iyagu xiriir dhaw la leh dowlada Federaalka.

SOMALI NEWS

To Top