WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Xildhibaano ka xanaaqay Xafladda Xisbiga Himilo Qaran iyo Xildhibaano ka xaadiray furitaanka-Video

Muqdisho ( HM ) Xafladda Xisbiga Himilo Qaran ee Sheekh Shariif Maanta Muqdisho ku Qabsaday, ayaa la sheegay inay Saamayn ku yeelatay kulankii Baarlamaanka Soomaaliya.

Kulanka Baarlamaanka ee maanta ayaa kooram la’aan u baaqday, 128 Xildhibaan ayaa soo xaadirtay, balse kuma filnaan inuu kooramka buuxsamo, maadaama laga rabay 139 inuu ku furmo.

Xildhibaan Idiris Dhakhtar oo si adag uga hadlay Arinta dhacday ayaa sheegay in Xildhibaanada ka maqna kulanka ay aadeen Xafladda Daah furka Xisbiga Himilo Qaran oo ka socda Hoolka Sahal ee Muqdisho.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Xildhibaan Dhakhtar ayaa sheegay in Xildhibaanada Baarlamaanku ay Shaqadii loo doortay ka doorteen Mid Khaas ah, Wuxuuna is waydiiyey Xalaalnimada lacagta ay Qaataan ?. “Xildhibaanada Badankoodu waxay jiraan Xaflada lagu Furayo Xisbiga sheikh shariif, Alle ayaan idinku dhaariyee Lacagta waxaan u Qaadanaa shaqadeena, Bal ka waran kuwa ka maqan ee dan Xisbi ku maqan “.

Xildhibaan Idiris Dhakhtar ayaa sidoo kale xusay inay dhaliil wayn leeyihiin Baarlamaanku, oo aan Madaxda sare uun la eedayn Karin markastaba “.Khayre iyo Farmaajo oo keliya lama eedayn Karo, ee Baarlamaanka ayaa eedaysan oo Laba Qaybood u kala Qaybsan, Waa kuwa Wasiiro ah oo Xukuumadda Difaacaya iyo Kuwa Wasiiro Doonaya oo Mucaarid ah, waana Nasiib darro wayn waxaana Jira kuwa badan oo kala Maan ah “

SOMALI NEWS

To Top