WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Xildhibaanadii sida weyn u taageersanaa Jawaari oo Saaka warkooda la waayay,Xagee ku dambeeyeen-Video

Gudoomiyihii Golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa saakay si lama filaan ah isku casilay kadib wadahadalo saacado badan qaatay uu la yeeshay Madaxweyne Farmaajo.

Is Casilaada Gudoomiye Jawaari ayaa timid xili saakay oo isniin ah la filayay in xarunta Golaha Shacabka ku kulmaan Xildhibaanada Golaha Shacabka kana doodaan mooshinka laga soo gudbiyay Jawaari.

Gudoomiyaha ayaa is casilaadiisa markii la shaaciyay kadib waxaa siyaabo kala duwan uga hadlay is casilaada Xildhibaanadii horey mooshinka uga waday dhoor marna ugu baaqay Jawaari in uu is casilo.

Tan iyo markii saakay ay soo shaac baxday in uu is casilay Gudoomiye Jawaari waxaa warkooda la waayay Xildhibaanadii si weyn u taageersanaa xili kastana Warbaahinta la hadli jiray.

Xildhibaanadan ayaa warkooda ugu dambeysay xalay xili dambe ay shir jaraa’id qabteen kana digayeen in maanta kulan codka kalsoonida loogu qaadayo Jawaari lagu qabto xarunta golaha Shacabka.

Is Casilaada Gudoomiye Jawaari ayaa lama filana ku noqotay Xildhibaano garab iyo gaashaan u ahaa Jawaari una badnaa xildhibaanada Kooxaha dowlada Mucaaradka ku ah ee Damul Jadiid iyo Daljir.

Xildhibaanadan ayaa marar badan baraha bulshada kusoo qoray sidoo kale Warbaahinta u sheegay in Jawaari uusan marnaba is casili doonin ayna difaacayaan, waxaana saakay filan waa ku noqotay go’aanka uu Jawaari qaatay iyo tanaasulka uu sameeyay.

Dadka Siyaasada Falanqeeya ayaa aaminsan in Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari mar hore qaatay go’aanka uu isku casilayo balse qaldeen Xildhibaanada Damul Jadiid iyo Daljir kuwaa oo turbaan been ah u garaacay dagaal adagna galiyay.

Siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada Mucaaradka ah ayaa mar kale lumiyay fursad ay ku doonayeen in ay dowlada khal khal ku galiyaan, waxa ayna kooxdan aan dadka iyo dalka dan ka laheyn markasta raadiyaan jaanis dowlada ku dhaliilaan kuna ceebeeyaan.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

SOMALI NEWS

To Top