WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Xildhibaan Kismaayo lagu xidhay oo Xiisad ka dhex abuuray Maamulka Jubaland iyo Dagaal-Video

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee caasimada maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in xiisadi ka taagan tahay xarig loo geestay Xildhibaan Axmed Taajir oo xasaanada laga qaaday maalma ka hor.

Abaabul dagaal ayaa la sheegay in lagaga soo hor jeedo madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) kadib markii uu hadheeyey maamulkiisa kacdoono aad u culus oo ka imaanaya Beelaha Jubbaland qaarkood iyo xariga xildhibaan Axmed Taajir.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Beesha Mareexaan oo kamid ah Beelaha ugu waa weyn Jubbaland ayaa sida la sheegay haatan bilowday qorshe ay doonayso in ay kula wareegto gacan ku haynta magaalada Kismaayo iyo sidoo kale qaabkii ay uga saari lahayd magaaladaasi madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Ilo waraadyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegay in xaafad kamid ah xaafadaha magaalada Kismaayo laga abaabulayo dagaal ka dhaca gudaha magaaladaasi kaas oo daaran la wareegista gacan ku haynta magaalada Kismaayo.

SOMALI NEWS

To Top