WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Xaalad adag oo ka taagan Puntland iyo Axmed Karaash oo ka hadlay-Video

Garoowe ( HM) Axmed Cilmi Cismaan ( Karaash ) Madaxweyne ku-xigeenka  Puntland, ahana Guddoomiyaha Guddiga Abaaraha ayaa   sheegay in Puntland ay ka jirto abaar baahsan oo soo laab-laabatay, Wuxuuna xusay in loona baahan yahay in hadda loo is taago sidii deegaanada abaartu ka jirto dadka ku nool wax loogu qaban lahaa.

“Waxaan halkaan kaga dhawaaqayaa in abaar ay ka jirto Puntland, qaylo dhaantii ugu dheerayd baan maanta dirayaa, hay’addaha maxalliga iyo kuwa caalamiga ah, ganacsatada, cidkasta oo ka qayb qaadan karta, ilaahay waan baryaynaa, waxaan rajayn in shaqadu sidii hore ka duwanaato iyo dedaalku” ayuu yidhi madaxweyne ku xigeenka Puntland.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Ugu dambayn, wuxuu sheegay in dawladda Puntland doorkeeda ka qaadanayso, loona baahan yahay inaan loo kala hadhin gurmad la gaarsiiyo shacabka Puntland ee abaaruhu saameeyeen.

SOMALI NEWS

To Top