WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Waxgaradka Puntland oo si kulul ugu jawaabay odayaashii ka hadlay Baydhabo-Video

Garoowe  ( HM ) Nabaddoon Cabdullaahi Maxamuud Jibriil oo kamid ah Waxgaradka Puntland ayaa ka fal-celiyay hadal ay shalay jeediyeen odayaal ku sugan magaalada Baydhabo, kuwaasi oo bulshada Koonfur Galbeed ee ku nool Puntland ugu baaqay inay kasoo baxaan kadib markii habeen hore dad lagu laayay Koonfurta Gaalkacyo ee Galmudug.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Nabaddoonka ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadalka odayaashaas ay ka jeediyeen magaalada Baydhabo oo uu ku tilmaamay mid lagu aflagaaddeeyay sharafta iyo karaamada dowladda iyo shacabka Puntland, maadaama sida uu sheegay aysan jirin wax dhibaato ah oo bulshada ka soo jeeda koonfur Galbeed loogu geystay degaannada Puntland.

Wuxuu sheegay in shacabka ka soo jeeda degaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya ay si nabad iyo xorriyada ugu nool yihiin gudaha Puntland islamarkaana ganacsiyo ku haystaan iyagoo aan la kulmin wax dhibaato iyo cunsuriyad ah.

SOMALI NEWS

To Top