WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Wasiirka Maaliyada Bayle oo ugu baaqay ganacsatada Muqdisho inay canshuurta bixiyaan-Video

Wasiirka Maaliyada dowlada Federalka Soomaaliya C/maan Ducaale Bayle ayaa ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed inay bixiyaan lacagaha canshuurta ku waajibtay.

Bayle oo maanta dib ugu soo laabtay dalka ayaa beeniyay in dekeda magaalada Muqdisho ay xiran tahay balse waxa uu sheegay in howlaha dekeda si caadi ah u socoto.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

“Ma jiro wax canshuur ah oo aan ku kordhinay ganacsatada hase yeeshee   waxaan farnay inay bixiyaan saddex kamid ah toban canshuur oo ku waajibtay ganacsatada.”ayuu yiri wasiir Bayle.

Wasiirka ayaa ka hadlay kulamo uu la yeeshay ganacsato Soomaaliyeed oo ku sugan wadanka Isutagga Imaaraadka Carabta isagoo xusay in uu kala hadlay arrimaha canshuuraha.

Qaar ka mid ah ganacsatada magaalada Muqdisho ayaa dhowaan waxa ay sheegeen in ay u xiran tahay dekeda magaalada Muqdisho canshuuraha oo lagu kordhiyay awgeed.

SOMALI NEWS

To Top