WARARKA SOOMAALI

Daawo-Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya oo sheegay in uu Madaxweyne Farmaajo hoggaamin doono Dagaal ka dhan ah Al-shabaab-Video

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh oo shalay shir jaraa’id ku qabtay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga oo todobaadkii la soo dhaafay uu howl maalmeedkiisa u wareejiyay Madaxweyne Farmaajo ayaa ka warbixiyay halka ay marayaan is bedelada ciidan iyo abaabulka dagaal ee ka dhaka ah Al-Shabaab.

Wasiir Mursal ayaa sheegay in abaabulkan socda uu ka duwan yahay kuwii hore, isla markaana darajo ahaan ay ka hooseeyeen, isla markaana abaabulka hada socda uu hoggaaminayo Madaxweyne Farmaajo.

“Ciidamo isku dhaf ah ayaa ka qeyb qaadan doona dagaalka ka dhanka ah Argagixisada, Ciidamada xoogga dalka kala ma ahan, abaabulka aan hada sameyneynno wuu ka duwan yahay kii hore, darajo ahaan wey ka hooseeyeen, laakiin abaabulkan waxaa hoggaaminaya Madaxweynaha Jamhuuriyada”ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga.

Waxaa uu sheegay in horay looga bartay in ciidamada dowladda marka ay deegaan xoreeyaan dib isaga soo baxaan, isagoo tilmaamay in tani ay ka duwan tahay, isla markaana ciidan kale loo diyaariyay, marka la qabto deegaan.

Dhinaca kale Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu is bedel iyo dib u habeyn ku sameeyay hoggaanada ciidanka xoogga dalka, isla markaana hoggaanada oo gaarayay 22 lagu soo koobay 13 hoggaan oo ay qeyb ka yihiin Saraakiisha ciidan ee dhalinyarada dalka dibaddiisa ku soo waxbartay.

Ugu dambeyn waxaa uu ugu baaqay Dhalinyarada inay ka qeyb qaataan halganka uu hormuudka u yahay Madaxweynaha ee dalka looga xoreynayo Al-Shabaab.

HALKAN KA DAAWO BARNAAMIJKA CIIDANKA

SOMALI NEWS

To Top