WARARKA SOOMAALI

Daawo- Wasiirka Arimaha debeda ee Kenya Amina Mohamed oo Jago muhiimka ah QM looga magacaabay+Taariikh nololeedkeeda-Video.

Wasiirka arrimaha dibadda dalka Kenya Marwo Amina Maxamed Jibriil ayaa ka mid noqotay lataliyayaasha Madaxbanaan ee Qaramaada Midoobey kala talineya arrimaha horumarinta, dhaqaalaha, cimillada iyo nabadda.

Madaxweynaha Golaha guud ee Qaramada Midoobey Miroslav Lajcák ayaa soo magacaabay 15kiisa lataliye madaxa banaan iyadoo lagu soo daray Marwo Amina Maxamed oo ah Wasiirka arrimaha dibadda dalka Kenya.

HALKAN KA DAAWO TAARIIKHDEEDA OO HORUFADHI MEDIA DIYAARISAY MARKII WASIIRKA LOO MAGACAABAY AFAR SANO KA HOR…..

Amina ayaa  sheegtay in ay ku faraxsantahay islamarkaana soo dhaweyneyso arrintan oo ay sheegtay in ay muhiim u tahay mustaqbalka dadka ay matasho.

Kulanka ugu horeeya ayay la taliyaasha la magacaabay yeelan doonaan jimcaha soo socota, waxaana ay ku dejin doonaan Ajandaha Qaramada Midoobey ee Sanadka soo socda oo ay ka mid yihiin Nabadda,hiigsiga horumarinta Caalamka iyo hirgelinta heshiiskii Cimilada ee Paris lagu saxiixay 2015kii.

Ajandayaasha ayaa sidoo kale waxaa ka mid ah  dib u habeyn lagu sameynayo Qaramada Midoobey ,arrimaha xuquuqda aadanaha iyo weliba sharafta aadanaha.

Marwo Amina Maxamed ayaa noqonaysa haweeneydii ugu horeysay oo Soomaali ah oo gaarta darajada ah la taliye Qaramada Midoobay.

Horufadhi Media.

[email protected]

SOMALI NEWS

To Top