WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Wasiir Dubbe oo si DEG-DEG ah u fuliyey Amar kasoo baxay RW Rooble

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cismaan Dubbe ayaa hakiyey iyo dib u hawl-gelinta maqaayad Tiyaatarka oo laga kireeyey shirkad ganacsi ka dib amar ka soo baxay Raisal Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Talaabadan ayaa ka dambeysay kaddib markii qaar kamid ah Hal abuurka iyo fannaaniinta Qaranka ay arrintaas ka keeneen cabasho, iyagoona eedeyn u jeediyey Madaxda dowladda.

“Aniga oo fulinaya amarka Raisal Wasaaraha JFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa aan joojiyey dib u hawl-gelinta maqaaxida Tiyaatarka illaa amar dambe kaddib markii laga keenay cabasho ku aaddan dib u furisteeda” ayuu yiri wasiirka oo war-saxaafadeed soo saaray.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Fanaaniin iyo abwaano shir jaraaid ku qabtay Magaalada Caasimadd ah ee Muqdisho ayaa ka soo horjeestay talaabada uu Wasiir Dubbe ku saxiixay qoraal shirkad ganacsi looga kireeyey maqaayada tiyaatarka Qaranka muddo 20 sano ah.

SOMALI NEWS

To Top