WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Warbixin xasaasi ah oo daaha ka qaaday Qofka uu yahay Cabdiwaaxid Khaliif Tarabuun.

Muqdisho (HM)-28-kii September Booliska Kenya ayaa bartooda twitter-ka ku qoray in dalkooda uu soo galay Cabdiwaaxid Khaliif Cabdi oo loo yaqaan Ciise Tarabuun.

Booliska ayaa sheegay in Cabdiwaaxid oo ah muwaadin Soomaaliyeed uu horey uga tirsanaa amniyaatka kooxda Alshabaab.

Maalmo kadib dowladda Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in Cabdiwaaxid uu soo dhameystay xabsi lagu xukumay, sidaas darteedna uusan hadda wax dambe ah lahayn.

HALKAN KA DAAWO

Haddaba maxaan ka ognahay Cabdiwaaxid, Barnaamijka Galka Baadhista oo la hadlay dhinacyo kala duwan ayaa soo bandhigaya xogta Cabdiwaaxid Khaliif Cabdi,  Waxaa soo jeedinaya Haaruun Macruuf.

Isha VOA-Somali

SOMALI NEWS

To Top