WARARKA SOOMAALI

Daawo Waraysi:Xaalad adag oo ka taagan Degmada Xamar-laguxidh iyo Xanuunka Shuban Biyoodka oo 16 Qof ku dilay Gurmad deg deg ah-Video

Degmada Xamar-laguxidh oo ka tirsan Gobalka Cayn waxaa ka dilaacay Xanuunka Shuban Biyoodka ee Halista badan kaas oo mudooyinkaba fara ba,an ku hayay magaalada Buuhoodle iyo deegaanada ku xeeran isla markaana Dad badana ugu dhinteen kuwa kalena ay u jiifan Goobaha Caafimaadka.

Hadaba waxaan halkan idiinka soo gudbin doonaa Xaalad adag oo hataan ka taagan Degmada Xamar-laguxidh taas oo markii hore safka hore ka gashay deegaanada Abaartii Xooga badneyd ay aafeysay isla markaana Dadkii ay dhaafisay wixii ay duunyo haysteen,hase ahaatee Xamar-laguxidh waxay u muuqataa Degmo aan helin Gurmadkii dhan kasta ahaa ee maanta oo kale iyo wakhtigii abaarta toona oo la halmaamay!.

Horaantii Bishan aan ku jirno Degmada Waxaa ka dilaacay xanuunka Shuban Biyoodka isla markaana wuxuu soo ritay tirada dad aad u badan kuwaas oo qaarkood ka kacayeen qaarka aadka u liitana loo qadayay Magaalada Buuhoodle madaama aysab xarumo Caafimaad iyo Dhakhaatiir toona joogin Degmada Xamar-laguxidh,Balse xanuunku wuxuu degaanka aad ugu soo laba kacleeyay isla markaana Dad 100 ruux kor u dhaafaya kusoo ritay isbuucan aan ku jirno.

Dadka xanuunka Shuban Biyoodka ilaa hada u dhintay waxaa lagu qiyaasay tirada 16 ruux halka 100 kalena ay jiifto geedahah Hoostooda oo loo waabay isla markaana goobo Caafimaad ahaan looga dhigay madaama aysan Degmada lahayn Goobo Caafimaad iyo Cusbitaalo toona,Dadka dhintay ugu badnaan waa Caruur iyo Haween iyo Dad waa weyn.

ilaa iyo hataan ma jiraan wax gurmad Caafimaad iyo gargaar kale toona oo tagay deegaanka taas oo keentay in xanuunku sii faafo isla markaana kusii fido goobo hor leh sidoo kale ma jiraan wax gargaar cunto mid daawo iyo haba yaraatee wax gurmad Caadiya oo gaadhay deegaanka taasna waxay sii adkeysa xaalada Bukaanka oo halis badan ay gasho naftoodu kadib marka kuwa aadka u xanuunsan loola cararo magaalada Buuhoodle kadibna ay jidka ku naf waayaan.

Xamar-laguxidh waxay dhacdaa Xadka Dowlad deegaanka Soomaalida itoobiya waana Degmo ay is gaadhsiinta Caadiga ah aad ugu liidato taas oo xaalada cakiran ee ka taagan degaanka sii adkaysay madaama aysan wax warbaahin ah tagin baraha Bulshada iyo meel kale oo Dadku ka qaylo dhawaqaana aysan jirin.

Maxamed Yuusuf oo kamid ah dhalinyarada iyo Culimada Deegaanka oo aan la xidhiinay wuxuu nooga waramay xaalado xanuun badan iyo dhacdooyin mururgo leh oo degaanka aka dhacay markii xanuunka Shuban Biyoodku ku habsaday isla markaana ay wayeen Gurmad Caafimaad iyo kaalmo Bini.aadanimo oo kale toona,Maxamed Yuusuf wuxuu noo sheegay dadka ugu badan ee xanuunku soo ritay in ay soo dhaceen markii degaanka uu roobku ka curtay isla markaana ay cabeen Biyihii Xareeda ahaa oo nadaafad ahaan aad u hooseeya taas oo ay ugu wacan tahay wacyi galin la,aan caafimaad oo aan jirin.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Hadaba guud ahaan Jaaliyadaha Deegaanka Shacabka Buuhoodle iyo guud ahaan Soomaalida Hay,adahah Gargaarka waxaa looga sidaa degmada Xamar-lagu xidh Fariin Bini-aadanimo oo Deg deg ah in si dhakhso ah gacan deg deg ah loogu fidiyo oo dadkaas la gaadho gar gaar dhan kasta way dalbanayaan Dadku xaaladooduna way adag tahay ,ma haystaan Daawo,Cunto Biyo Nadiifa iyo Goobo Caafimaad Toona.

Wixii aad ku Caawin kartaan Waxaad kala Xidhiidhaysan Tell: 252 0634491554 Waa Maxamed Yuusuf Xirsi Caawi walal.

SOMALI NEWS

To Top