WARARKA SOOMAALI

Daawo Waraysi:Sarkaal ka tirsan Ciidamadda xoogga oo qabtay Shabaabkii soo weeraray Hotel Nasahablood oo Carruurtiisa Xabsi loogu abaal guday-Video

Ciidamada DFS ayaa xabsiga dhigay caruur uu dhalay Gaashaanle Sare Cali Cabdi Dubad oo kamid ah taliska ciidamada xooga dalka Soomaaliya kadib markii ay qabteen dagaalyahanadii Shabaab ee weeraray hoteelka Naasa-hablood 2.

Shabaabkii weeraray Hoteel Naasa-hablood ayaa baxsaday kadib markii ay rasaastii ka dhamaatay, kadibna waxaa ay galeen guriga sargaalkan kadibna waxaa uu sheegay iney qoryo ku qabteen oo ay ku qasbeen iney bad-baadiyaan.

Gaashaanle Dubad ayaa sheegay in Shabaabkii ay ku qanciyeen iney hubka ka dhigaan dharkana ka badalaan kadibna ay taleefoon ka wacaan ciidamada dowlada halkaasna lagu qabtay.

Laakiin ciidamada DFS ayaa markiiba xabsiga dhigay caruur uu dhalay sargaalkii qabtay Shabaabkii weeraray hoteelka ee dadka badan ku laayay.

 

“ Diyaar ayaan u nahay in nala baaro , waliba hadii ay wax baarayaan aniga ayaa dowlada ka tirsan iney I xiraan ayay aheyd ma aheyn iney caruurta xiraan”ayuu yiri sargaalka.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Sidoo kale, waxaa uu sheegay inuu ka walwalsan yahay iney jiraan rag dowlada ka tirsan oo diidan in la qabto ragas Shabaab-ka ah kuwaas oo caruurtiisa xiray sida uu hadalka udhigay

Dad badan ayaase isweydiinaya sida ay kooxdaas Shabaabka ah ugu ogolaadeen sargaalka iney hubkooda dhiibaan oo ay dharka iska badalaan

SOMALI NEWS

To Top